Friday, August 9, 2019

Taariikh: Macdan qodayaashii godka kusoo dumay.

Qeybtii Labaad: ee ee dhacdadii ka hadleysay macdan qodayaashii godka kusoo dumay Bishii August 5-teedii Sannadkii 2010-kii waxaan ku hakiyey iyadoo mudo Laba usbuuc ama todobaad ah ay godkii ku jireen ragii macdan qodayaasha Reer Chili ay dhacday in isku celcelis ahaan nin walba uu ka lumay culays 20 Pound ah ama 20 kiilo, qaarna socodku dhibay, qaarna maqaarku Lafta ku dhegey, xanuuno kala duwana ay godka ka qaadeen. Halkii ayaan kasii amba qaadayaa Qeybta Sadexaad uguna dambaysa ee la socod wanaagsan walaal.

Waxaa dhacday in maalintii 16-naad xabbad Tufaax ah inta Laba loo kala jeexay ayaa jeexna meel la dhigay jeexii kalena waxaa loo qaybiyey 33 dii nin, mid kastana waxaa ku soo aaday cad yar oo cidida Farta le'eg.

Mid baa yiri qofka ugu hor dhinta waa in la cuno hilibkiisa si inta nooli ugu sii badbaado.

Mid kale ayaa yiri mayee waa inaynu Ninka Reer Bolivia haddeer qalanaa si aynu inteena isku wadanka ahi ee reer ( Chile) aynu u badbaadno.

Oday ayaa yiri armay ka fiican tahay inuu noogu dambeeyo Ninka Reer Bolivia ahi oo hadhow hadduu nolol dibadda ugu baxo loo yiraahdaa Reer Chilie Waa dad martida badbaadinteeda u dhinta.Labada figradoodba waa loo guuxay lagumase dhaqaaqin.

Oo hadday cunaan Ninka Reer Bolivia oo ay intooda isku waddanka ahi ku badbaadaan cunidda Ninka shisheeyaha ka ah, waa run-tood oo dadkooda ayey ku badbaadsadeen oo iyagaa isku waddan ah oo is xiga. Waa iyadoo 33 nin oo Soomaali ah oo dhiman lahaa ay inta qashaan nin Ethiopian ah ay ku badbaadaan oo taasi guul ayey Soomaalida u ahaanaysaa oo dadkoodii ayaa ugu badbaaday.

Haddii Ninka Reer Bolivia ah la xanaaneeyo oo uu isagu noqdo kii ugu nolol dambeeyeyna waa guul kaloo waxaa Reer Chile loo aqoon sanayaa dad dhaqan wanaagsan martida kula dhaqma oo waxay diideen in la yiraahdo ninkii miskiinka ahaa oo martida u ahaa ayey qasheen oo magac xumay u soo jiidaysaa Reer Chili.

Dhowr iyo toban mashiin ayaa ku jabay in buurtaas la dalooliyo, ingineeradii iyo qalabkii aduunka ugu xoog badnaa oo wax Lagu duleelin karey ayaa la isu keenay, dowladaha ugu awooda badan dunida ayaa mid kastaa hawsha dhinac uga jirtey.

Hal bilyan oo qof ayaa maalin kasta warbaahinta kala socotay, 3000 oo Wargeys iyo idaacado ayaa ku mashquulay la socoshadda xaaladaas. Malyuumaad lacago ah ayaa ku baxey.

Is haaraan iyo is hiif ayaa golayaasha dowladda Chile hareereeyey, madaxweynaha dalkaas ayaa khalkhal ku galay in hadduu badbaadinta raggaas awoodi waayo uu jagada isaga dego.Madaxweynahu teendho ayuu ka ag dhistay buurta agteeda si uu maalin kasta ula socdo xaalada muwaadiniintiisa godku ku dumay, dhamaan wasiiradiisa iyo xildhibaanada wadanka ayaa qaaraan iyo gurmad waqtigooda oo dhan dul dhigay iyagoo ka cabsi qaba inay 33-daas qof dhintaan hadhowna dowladoo dhami is casisho.

Bal kawarama kumanaan soomaali ah ayaa dagaalo, Qaraxyo, silic iyo darxumo u dhinta madaxdeena ka ugu fiican ayaa yiraahda Allaha u naxariisto sidii in ay ducadoodu kacdo.

17 maalmood kadib ayey markii ugu horeysey 33 dii nin dushooda iftiin la soo dalooliyey ka arkeen oo rajadii noloshu dib ugu bidhaantay, Godka kor Laga soo dalooliyey cunto iyo daawo keliya ayaa looga soo daadinayey oo dadka lagama soo saari karin, 69 Maalmood ayey nimankaasi God kaas ku jireen waxayna noqotay xiligii ugu dheeraa oo dad God ku dumay ay muddo intaas le'eg ku jiraan kuna badbaadeen.

69 kaas casho madxweynuhu shaqadii ugu badnayd oo golihiisu qabtaan waxay noqotay inay godkaas dul joogaan, lacag uruurin, qancinta qoysaskii 33-nin, qaylo dhaan beesha caalamka ah ayuu madaxweynuhu waqtigiisa ku qaatay.

Markii ay soo baxeen Hal nin ayey af-hayeen ka dhigteen oo u hadla inta kale waxay isku afgarteen inaysan waxba sheegin weliba wixii sumcad daro keeni kara oo godka dhexdiisa ka dhacay inaysan weligood soo haddal qaadin.Waa sababta ilaa haddeer loogu yeero geesiyaddii Reer Chile, Waa sababta buugaag dunida caan ka ah loogu qoray sheekadooda oo halkii buug oo sheekadooda qaataba malaayiin lacag ah ay uga qaataan, Waa sababta ay Shirkada Filimada ee Hollywood-ka Mareykanku filinkii ugu dambeeyey (The 33 Man) looga sameeyey oo ay lacagta badan ku qaateen.

In kasta oo filmkaasi buuq badan dhaliyey maxaa yeelay cidna ma helin sheekadii Godka ka dhexdhacday oo sax ah oo sheekadda intii xumayd nimankaasi marna ma aysan sheegin haddana Hollywood way iska mala awaaleen sheekadda qaarkeed.

UGU DAMBEYNTII HADDABA SOOMAALI AHAAN MAXAYNU KA BARAN KARNAA 33-da nin Macdan qodayaasha reer Chili ee godka uu kusoo dumey waxaan ka baran karnaa Casharadan kala ah:

1- Inaan iska ilowno madaxweyne oo aan doorano iskuna dayno inaynu helno Hogaamiye waayo Soomaalida 30 sano ku dhawaad ayuu God ku dunsanaa, labaatan madaxweyne ku dhawaad ( Marka Lagu daro Madaxda Maamul Goboleedyadda) ayey yeesheen welise hal hogaamiye ma yeelan.

2- Soomaalida oo dhami Waa Hal qoys ee sidii 33-dii nin ee Reer Chili nafta qofka Soomaaliga ah ee Islaamka ah qaali laga dhigo.

3- 30 sano ku dhawaad ayey Soomaali burbursaneyde xoogaaga dhaqaalaha ah ee Soomaalidu heli karto in si cadaalada ah loo wadaago sida 33-da nin cuntada yarta ah ay u qaybsanayeen labada bilood.

4- In wadamada dariska ah aysan sina ku ogaan sirteena iyo ceebaheena oo Aan la ogolaan inaan xumaanteena u kala gudbino wadamo qalaad, sida 33-da nin ee Reer Chili ay ceebahoodii godka dhexdiisa u qariyeen oo aysan cidna ula wadaagin.

Walaal guud ahaan warbixintan intaas ayey ku egtahay waxaanan kaaga mahad celinayaa inaad wax iga siisey waqtigaaga qaaliga ah ee qiimaha badan oo aad akhrisay qeybahii ay ka koobneyd warbixintan waa inoo qormooyin iyo warbixino kale oo xiiso leh Insha allah.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Cisman Cabdixalim

Taariikh: macdan qodayaashii godka kusoo dumay

Qeybtii koowaad: ee dhacdadii ka hadleysay macdan qodayaashii godka kusoo dumay Bishii August 5-teedii Sannadkii 2010-kii waxaan ku hakiyey iyadoo raggii reer chili ee macdan qodayaasha ahaa ee uu godka kusoo dumey markii xaalada ay ku xumaatey taladii 33-da nin uu la wareegay nin la yiraahdo Mario Gomez 63 jir ruug cadaa ah oo ku baraarujiyey kooxdaas inay isaga maqlaan maadaama uu xagga da'da ugu weyn yahay.Halkii ayaan kasii amba qaadayaa ee la socod wanaagsan qeybta labaad.

Ninkii Mario Gomez wuxuu raggii weydiiyey yaa caafimaadka wax ka yaqaan, waxaa lahelay nin la yiraahdo Yonni Barrioz 50 jir ah oo aqoonta caafimaad ee uu yaqaaney ay ahayd oo keliya inuu muddo sannad ah uu xanaanaynayey hooyadiis oo waayeel ah loona tababaray inuu xaaladeeda caafimaad ka warqabo waxaana ninkaas loo xilsaaray ka warqabka 33-da nin xaaladooda caafimaad.

Dadaalkii uu ninkaasi muujiyey darteed waxay kooxdu u bixisay oo ninkaas ay ugu magac dareen filim caafimaadka ku saabsanaa oo musasal ahaa kana bixi jirey teleefishinadda Mareykanka oo loo yaqaaney ( Dr. House)

Jose Henriquz 54 jir oo isagu ahaa nin Bible ka wax ka yaqaana oo kiniisadaha ku xirnaa waxay u doorteen wadaadka xagga diinta, baryadda illaahay iyo wacdiga u qaabilsan. Oo illaahay ayaa inoo sheegay in kuwa gaaloobay hadday xaalad geeri u dhow ay wajahaan inay illaahay baryada u keli yeelaan, markuu badbaadiyana ay meeshoodii xumayd ku laabtaan.

Ariel Tacona 29 jir markii magaalada la joogey aad ugu fiicnaa Facebooga, Computarada iyo Smart phonada waxay u xilsaarteen inuu qoro oo uu uruuriyo dhacdo kasta oo wanaagsan, middii xun oo ceeb u soo jiidaysana uusan qorin si qoraalkaas dhimashadooda ka dib haddii la helo ay sumcad ugu noqoto.Nin kalena waxay u doorteen guubaabada kaftanka iyo kicinta si cabsida looga baxo.

Odaygii hogaamiyaha noqday wuxuu magacaabay Laba nin oo askar hore ahaa si ay u noqdaan Booliska cusub ee Dowlada ay godka ku dhex samaysteen, oo waxaa labada Askari amar lagu siiyey in ninkii dhib keena ama amarka qaadan waaya ay xirxiraan.Ninkii markii hore agaasimaha meesha ka ahaa Luiz Urzu waxay u xilsaareen qaybinta cuntada iyo daawooyinka iyo inuu codka iyo talada kooxda uruuriyo.

Godka Dhexdiisa Ceebo Faro Badan Ayaa Ka Dhex Dhacay.

Rag akhyaar ahaa ayaa cabsidii inta ka badatay isku dhex yaacay, qaarbaa kaadida iyo saxarada ceshan waayey, kuwaa catowgooda iyo waawareydooda laga seexan waayey, qaarbaa xaalado sir qarsoon u ahaa dibadda keenay, mid raggaas ka mid ah ayaa ka sheekeeyey inuu saaxiibkiis hebel xaaskiisa u daba mari jirey, mid baa ka sheekeeyey dhowr jeer oo uu saaxiibadiis wax ka xaday, mid baa ka sheekeeyey inuu faro xumeeyey gabar yar oo daris la'ahayd.

Sababta ay uga sheekaynayaan dambiyadoodii waxay ahayd in haddiiba ragga qaarkood nolol dibada ugu baxaan in ay cafis uga dalbaan saaxiibadii ay dunida ku khayaameen.Madaxdii godku waxay go'aamiyeen in wax kasta oo xun oo godkaan dhexdiisa ka dhacay inaan dibadda loola bixin haddiiba la noolaado.Odaygii wuxuu amray in meel la isugu keeno cuntada ay heli karaan oo dhan. Cuntadii waxay noqotay.

Hal Gasac oo kaluunka Salmon ah, Hal Gasac oo Tufaax jarjaran ah, Hal Gasac oo digir ah, 18 Gasac oo kaluunka Tuunada ah, 24 Gasac oo caanaha fadhiya oo la qasto ah oo 8 ka mid ahi waqtigoodii dhacay, 93 baakad oo buskud ah, daawooyin kuwo dhacay u badan,10 Caag oo biyaha musaaxada ah, iyo haan weyn oo biyaha matoorada lagu qaboojiyaa ku jiraan oo Ciid iyo Olyo ka buuxdo oo aan cabitaan loogu talo gelin laakiin hadday dantu khasabto in lacabo lagu khasban yahay.

Maalmihii ugu horeeyey waxaa la qoondeeyey in haddii nin kasta 24-kii saacba Hal mar la siiyo koob biyo ah oo lagu dhex daray nus qaado Tuuna ah si maraq looga dhigto, Laba xabbo oo buskud ah, hal cantuugo oo caano laqasay ah inay cuntadu ku filnaanayso hal usbuuc.Laakiin dhowr maalmood kadib waxaa la ogaaday in godka lagu jiri karo muddo bilooyin ah sidaas darteed rajadii in la badbaado laga qabay ay sii adkaatay.

Laba usbuuc markay godkaas ku jireen isku celcelis nin walba waxaa ka lumay culays 20 Pound ah ama 20 kiilo, qaarbaa socodku dhibay, qaarbaa maqaarku Lafta ku dhegey, xanuuno kala duwan ayey godka ka qaadeen.
Mar kasta dushooda waxay ka maqli jireen mashiinada lagu daloolinayo Buurta ka koreysa, mar kasta oo dhawaaqa mashiinadu istaago ragga farsamo yaqaanada ah ee kor Buurta ka daloolinayaana ay guul daraystaanba kooxda hoose dhimashadaa u soo dhawaata.Waxay soo gaareen in labadii maalmood ba ninkiiba la siiyo xabad buskud ah iyo biyo Ciid iyo Olyo miiran ah.

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii Labaad ee warbixintan la soco Beri qeybta Sadexaad oo xiiso badan Insha allah.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Cisman Cabdixalim

Sunday, July 21, 2019

Dhiirigelin: sidee u guulaysan karaa?

sideen ku guulaysan karaa

waa hor dhac aan ugu talo galnay casharada furayaasha guusha.

. Guusha aadanuhu waxay ku xidhan tahay hadba sida uu u fakaro, qofkii u fakara si wacan wuxuu gaadhaa meel sare. Qofkii six un u fakarana wuxuu noqdaa qof liita.  Fikirka saxda ahi wuxuu dhalaa dhalaan fiican. Qofkii dadaalana dantiisa ayuu gaadhaa.
Daalka iyo wahsigu jirdhku wuxuu ku dhaxalsiiyaa dayac iyo dibdhac badan. Daalku hadduu maskaxda kaaga dhacana, reer koonfurku waxay dhahaan “Nabad Allaha ku yeelo” oo ay uga jeedaan way kuu dhamaatay. Waxaa lagama maarmaan ah inuu qofkasta dadnimadiisa dhiso, ama uu horamariyo si uu u guuleysto labada daaroodba.
Qof kasta kaalin ayuu ku leeyahay horumarinta dadnimadiisa iyo bulshadiisaba. Ilaahay SWT. wuxuu qur,aanka noogu sheegay inuusan qolo xaalkooda badalaynin ilaa ay iyagu isbadalaan.  Dadku waxay uurka hooyooyinkood ka soo baxaan iyagoo siman, islamarkaana aan waxba kala ogayn. Kadibna waxaa bilowda baratan ama kala dheerayn. Si uusan qofka u seegin kaalintiisa ku beegan dhismaha dadnimadiisa, wuxuu Ilaahay ku galadaystay  awoodo iyo fursado badan, oo ay kamid yihiin:-
1) Caqliga
2) Maqalka
3) Iyo araga.
Haddaba siduu qofku shakhsiyadiisa ku dhisi karaa, turunturooyinka ka hor imanayana uga talaabsan karaa ?
Isku kalsoonaan: Kalsoonida naftu waa furaha ugu horeeya furayaasha guusha. Baltanka, hashtakaynta, kalsoonni darrada iyo dareenka liitana waa fashil iyo guuldarro bilowgeed. Nabbigeenu (csw). wuxuu nagu booriyay inaan ku dadaalno waxyaabaha ina anfacaya anagoo Ilaahay kaalmaysanayna, daalka iyo caajiskana ka dheeraanayna.
Kalsoonidu naftu ma aha inaad dadka iskala waynaato, ama aad kibirto, ee waa inaad dareento inaad ka guul gaadhi doonta- insha Allaah- ujeedada aad u nooshahay,  howsha aad ku gudo jirto iyo hadafka aad beegsanayso, adigoo u maraya dadaal iyo adkaysi badan. Waxaa horey loo yidhi: Ninkaan shaqaysanin shaah waa ka xaaraan. Waxaa kaloo la yidhi: Ninkii sabraa sadkiisa hela.
Aqoonta:
Aqoontu waa furaha labaad ee guusha, maxaa yeelay aqoontu waa iftiinka nolasha, waa miisaanka uu qofku ku kala soocayo guusha iyo guul darrada, samaanta iyo xumaanta, toosnaanta iyo qaloocnaanta. Qur,aanu inbadan ayuu Ilaahay ku amaanay aqoonta iyo dadka aqoonta leh, sidoo kalana inbadan ayuu ku ceebeeyay jahliga iyo dadkiisa.
Ilaahay swt. aayado badan ayuu ku tilmaamay inay aqoonta iyo iimaanku isleeyihiin, sidoo kalana wuxuu isku jeel ka dhigay aqoon darada iyo haboowga (baadinimada).
Bulshada soomaaliyeed marxaladda adag ee ay maanta marayso waxay uga gudbi kartaa aqoon iyo isku kalsoonaan. Sidaa daraadeed waxaan ugu baaqayaa in loo dareero xarumaha aqoon korarsiga, si aynu uga qaadano iftiin, si aynu u kala garano gobanimada iyo gumeeysiga, guusha iyo guul darrada, cudurka iyo caafimaadka, colaadda iyo nabadda, saxda iyo khaladka.
Tafaa,ulka: Waa la doogiye yaan la dacaroonin !!.
Aduunyada waxaa ka buuxa, boholo aad ku kufayso iyo qodxo ku mudaya, sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay inaan la niyad jabin. In la ogaado, in dhib walba ay dheef ka danbeeyso, culeeys walbana uu labo fudeeyd u dhaxeeyo, sida uu Ilaahay noo sheegay. Nabbigeena csw. wuxuu ahaa mid tafaa,ul badan.
Isagoo deegaankiisii laga soo barakiciyay, ayay isaga iyo saaxiibkii Abuubakar (rc) u guureeyay magaalada Madiina, kadibna waa la raad qaaday.  Si ay cadowga uga gabadaan waxay galeen god. Markii la kor yimidna Nabbigu (csw) wuxuu ku yidhi saaxiibkii Abuubakar (rc):  Maxaad u malayn labo qof oo uu Ilaahay seddexeeyo ?
Kadib markuu Madiino tagay, waxaa isu gaashaan buureeystay gaaloo idil. Kadibna waatay muslimiintu magaaladda Madiina godka ku wareejiyeen si aan loogu soo galin. Nabbigu (csw) isagoo godka qodaya, fardihii cadawgana ay dulhoganayaa, waakii lahaa: Allaahu akbar !! Kisraa waa la furtay.
Tafaa,ulku waa malaha wanaagsan iyo inaad dadaal dabadii filato guul iyo liibaan, arintaasi waxay ku dhaxalsiin inaad si ay kalsooni ku jirto dhibka aad dheef ku gaadho, abaartana aad aaranka ku gaadho. Gabagabadii Ilaahay waxaan ka baryayaa, inuu towfiiqda nawaafajiyo, tusmooyinka diinteenana uu natuso. Isku kalsooni iyo aqoon na anfacdana uu nasiiyo. Dalka, dadka iyo diintana uu noo xifdiyo.

Xigmad: Xigmado Jacayl oo qiimo badan

•   Xikmado Jaceyl Oo Qiimo Badan

1. Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee la heysto, waxa ugu adag ee la kasbado iyo waxa ugu xanuunka badan ee la waayo

2. Xushmad la’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan, Jaceylku waa caajis. Daacad la’aan, Jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la’aan, Jaceylku waa mid aan deganayn.

3. Goorti aad tiraahdo Waan ku jeclahay, waxaad ballan ku sameynaysaa qof kale qalbigiisa. Waa inaad ku muujisaa ficil si aad u caddeyso. Jaceylku ma aha qiiro keliya, Jaceylku waa ficil. Jaceylku ma aha dareen keliya, jaceylku waa daryeel

4. Qofka sida dhabta kuu jecel wuxuu kaa hor istaagaa inaad Dambi sameyso. Qofka aan sida rasmiga ah kuu jeclayn wuxuu kugu dhiirigeliyaa xumaan iyo inaad Dambi sameyso.

5. Dad badan oo aragtida wejiga keliya wax ku jeclaada gadaal bay ka qoomameeyaan sababtoo ah Jaceylku marnaba kama dhasho quruxda wejiga balse quruxda Qalbiga

6. Intaadan qofka jeclaan marka hore fiiri inuu naftiisa jecel yahay, haddii uusan naftiisa jeclayn adigana jaceyl kuma siin karo

7. Goortii qof uu ku jecel yahay, ma aha had iyo jeer in ay afka ka sheegaan, waxaad mar kasta ka garan kartaa habka ay kuula dhaqmaan

8. Haddii qof aad is jecleedeen kaa taago, ha murugoon, ha matagin, ha is gubin, cuntada ha ka soomin, heeso badan ha isku maaweelin. Fiiri naftaada in aad nooshahay oo neefsaneyso ka dibna horay u wado noloshaada. U sheeg qalbigaaga in qof kaa tagay ee aysan ruuxdaadi kaa tegin.

9. Ha u bedelin midabkaaga iyo naftaada si dadku kuu jeclaadaan. Ahaw qofka aad tahay dadka saxda ah ayaa ku jeclaanaya.

10. Dadka sida dhabta ah isu jecel si sahlan kuma kala haraan. Haddii ay jirto Boqol sababood ay ku kala tagi karaan waxay helaan Hal sabab ay ku wada joogi karaan

Waxaa diyaariyay: Rafiid Boss

Saturday, July 20, 2019

Jacayl: qiso Jacayl "Dhaawac Jacayl dhib badaa.

Qiso jacayl oo Dhab ah taas oo Magaceda la yidhaah
..‪#‎Dhawac_Jacayl_Dhibadana‬.

 Qisadan Waxay ku dhacday Wiil iyo Gabadh somaliyeed waana Qiso xanbaarsan murugo jacayl qofkasta oo akhriyana taabanaysa. Qalbigiisa..
 Hadaan guda galo Qisada Wiil la odhan. Jiray Axmed Ayaa Wuxu ahaa Wiil ku nool. Magaalada Hargaysa. Axmed Wuxu ahaa Wiil kasoo jeeda Qoys Ladan Xaga nolosha Axmed xiligaas Wuxu ku jiray Dugsiga Hoose Dhexe.
 Axmed Wuxu kamid ahaa Ardayda Ugu xariifsan iskuulkooda Axmed Wuxu ahaa ruux dabeecad Fiican dadkuna ay Wada jecelyihin Wuxu ahaa ruux bulshawiya oo leh asxaab aad u badan
. Axmed muu lahayn Hooyo iyo Aabo toona Wuxu laha Laba Hablood oo kaliya Axmed Wuxu ahaa ruux la nool reer abtigii oo aad u koolkooliya noloshiisa.axmed muu arag murugo Farxad Mooye
 Axmed Wuxu ahaa mid galbaha qaar aada meelaha quruxda badan si uu u qaato laydha macaan.
 Maalin maalmaha kamida Axmed ayaa kaxaystay Gadhigisii si uu hawada u Qaato Maalinta jawigu wuxuu ahaa mid aad u dagan waxay ahyd Goor Galaba Isagoo maraya Dacalada Hargaysa dacal kamida Goor ay cadceedu cidhifka sii dhigayso ayaa waxa uu arkay
 Laba Gaadhi oo wadada dacalkeda Taagan misna Wada hadlaya Kadib uu istaagay Si uu ula hadlo una xaliyo dhibta dhexdooda taala Markii uu ka soo dagay gadhigii ayaa Wuxu Si kadisa indhaha Ugu dhuftay.
 qalanjo aad u qurux badan oo labada gaadhi Mid ahaan ku jirta kadib
 Axmed Wuxu usoo dhaqaaqay dhankii inanta Markiibana Wuxu ku yidhi walalo Maxa kugu dhacay?
 si degan ayay Ugu jawaabtay waxayna U sheegtay Dhibta Dhexdooda taala Xoga Marku Arintoodii ku jiray xalna uu u waayay
 Axme Wuxu ka dalbaday Inantii inay soo raacdo ayna Wada tagaan geerash aan ka fogayn agtooda Wayna Ka aqbashay Waxay soo gadheen Geerashkii.
 Kadib waxa loo hagaajiyay inantii gadhigii lacagtina waxa bixiyay Axmed inantii oo ka heshay wanaaga inta leeg ee uu u sameeyay wiilka aanay garanayn Cida uu yahy ayaa si farxadi ka muuqato ku tiri walalo mahadsanid.
 Axmed ayaa sidiiran Ugu yidhi adaa mudan walal Axmed Wuxu sii raaciyay hadalkisii walal Magaca ma Ii shegi kartaa
 Haa ayay tiri Aniga Muna. Ayaa layidhah. Sido kale Ahmedna Wuxu U shegay Magacisii
 waxayna kala Qorteen lanbaradii kadib way tagay muna
Axmedna Wuxu uu soo dhaqaaqay dhankii gurigooda maalinta Axmed waxay u ahyd maalin aad u farxad badan intii uu jidka ku soo jiray
 waxa qalbigiisa ku soo noqnoqonaysay hadaladii muna kadib Wuxu soo gaadhay gurigii. Mar ay saacadu ahyd abaaro 9:00 fiidnimo ayuu qaraacay lanbarkii muna
 Kadib waxa ka qabatay muna si farxadi Ku dheehantahay ayuu ku yiri hallow! muna iiwaran waa axmede muna oo garatay codkiisa ayaa tiri nabad
Axmed Xoga kaftan xiiso badan leh ayay Wadageen habeenkaas markii uu dhigay axmed telkii Qalbigisii waxa Sidhaba u dagay Dareenkii Jacaylka habeenkas oo dhan
axmed Ma seexan Wuxu ahaa sidii ruux hurda oo hadana Soo jeeda wagii ayaa baryay Sidii Caadada U ahyd Axmed Wuxu aaday Iskuulkii Isagoo farxad badan wajigisa laga dheehanayo
 Kadib Suaalo Dhawra Ayay Waydiiyen axmed saxiibadii Isna Wuxu ahaa Mid ku qanciya inuu Iska faraxsan yahay kaliya ee aanay waxba jirin Kadib waxa laga soo dareeray iskuulkii
 Wuxuuna Ku soo laabtay gurigii Axmed waxa u baryay Waa cusub Wuxuuna noqday Qof fekeraya Markasta Qalbigisana ay ku dhex jirto inantii quruxda Badnayd
 Axmed Wuxu mudo sida ahaadaba Wuxu Goaansaday Inuu muna la kulmo Una sheegto Dhibta iyo xanuunka uu u qabo lana wadaagto xanuunka jacaylk
a Isagoo naftisa ku qanciya inay aqbalayso muni arintaas Ayaa waxa uu soo wacay telkii Muna wayna ka qabatay
 Kaftan goos goos ah dabadii axmed
 Wuxu Ku yidhi muna Cawa ma kulmi karnaa?
 Muna waxay tiri Haa wayna aqbashay
 kulankiisa Kadib Isagoo faraxsan ayuu dhigay telkii Wuxuna Isku Diyaariyay Siduu ula kulmi laha Muna
Wuxu Soo kaxaystay gaadhigisii wuxuna soo abaaray meeshii Balantu ahyd.
 Marku soo gaadhay goobtii inyar kadib waxa Timi muna oo si kaduwan Sidii hore usoo labisatay Kana Qurux badan Kulankii maalintii Hore
 Axmed ayaa si farxadi ku dheehantahay ku yidhi soo dhawoow Muna Waxayna Is waydaarsadeen hadalo kaftana Cabaar markay fadhiyeen ayay muna Axmed Ka dalbatay Inuu u sheego Wixii uu Ugu yedhay
 Axmed oo runtii wajigisa Naxdin Ka muuqato Kana baqaya inay Diido Codsigiisa
 ayaa  HADALKII KU BILAABAY  WEEDHAHAN
ASLUUB BADANAY MUNAY
DHOWRSANIDA EDEBTIYO
DHAQANKIYO XISHOODKIYO
SAMAHAAD U DHALATOO
FILKAABAAD WAX DHEERTAHAY
WAXAANU SIII RAACIYAY ISAGOO
 muna Ku yidhi muna Codsi ayaan cawa wataa Waxanan rabaa Inaad ila wadaagto dareenka jacaylka xidhidhna ila samayso
Muna oo dhoola cadaynaysa waxay Ugu jawaabtay Waxaad tahay inan aad u wanaagsan aadna U qurux badan mutaystayna in jacayl lala wadaago. Lkn …………Lasoco Qaybta labaad ee qisada ..
.

Jacayl: hadaa isku aragto 12-kan qodob Jacayl dhab ah ayaa ku haya.

Hadaad Isku Aragto 12-kaan Qodob Jaceyl Dhab Ah Ayaa Ku Haya
jaceyl dhab ahWali jaceyl dhab ah ma ku helay? Waa suaal jawaabteedu adagtahay balse waxa ka adag hadaa lagu waydiiyo “Qofkad xidhiidh la leedahay dareen jacayl ah ma u qabtaa?” Hadaad 12-kan qodob ee hoos ku xusan aad isku aragtid ama qaar ka mid ah, ogow jacaylkii dhabta ahaa ayaa ku haya:

1. Waa qof special ah: marku jacayl ku hayo qofkad jeceshahay dadka kale la barbar dhigi maysid. Adiga indhahaaga wuxu ku noqon doona qof special ah dadka kale ka duwan oo la mid ahayn.


2. Waa qof dhamaystiran: waxa kaliya arki doonta sifaadkiisa ama sifaadkeeda wanwanaagsan, wax kaste u qofkan aad jeceshahay sameeyo dhinaca positive-ka ayaad ka arki doonta. Arki maysid sifaadkiisa ama sifaadkeeda xunxun.

3. Waxaad noqon doonta qof isku dhex daadsan: marna appetite-ka kaa lumi, marna hurdada iska waayi doonta, walwalka kugu badan doona marku xidhiidhkeenu wax noqdo ama aad is qabsataan.

4. Markaad dhibaato hor timaadaan oo xalidaan xidhiidhkeenu wu sii xooganaan doona: markaad carqalado la kulantaan oo si wanaagsan uga baxdaan waxa sii xooganaan doona xidhiidhka idin ka dhaxeeya.

5. Maskaxdaadu ka guuxi doona: dadka jacaylku hayo wakhtigooda boqolkiiba shan iyo siddeetan (85%) waxa maskaxdooda ka dhex guuxa qofka ay jecelyihiin.

6. Waxaad jeclaysan doonta markaste inaad ag joogtid: intaad ka fogtahayna karaahi ayu kugu noqon doona waanad dhibsan doonta.

7. Inaad mustaqbal la yeelatid ayaad rajayn doonta: waxaad ka sii fakiri doonta sida mustaqbalka aad u wada noolaan lahaydeen iyo meeshad wada dagi lahaydeen.

8. Wax kasta waad u huri doonta: qofka aad jeceshahay waxa idin ka dhexeen doona xidhiidh caadifi ah, dhibaatada haysa iyo xanuunku dareenmo waad la dareenmi doonta. Sidaa darted wax kaste waad u huri doonta adigo doonaya inaad ka farxisid.

9. Dharkan mu jeclaan doona?:  Waxaad is waydiin doonta markaad maryo cusub iibsanaysid ama aad dhar hore u lahayd labisanaysid inu jecleysan doono.

10. Waxaad noqon doonta qof hinaasi badan.

11. Caadifadaada ayaa ka awood badnaanaysa hamadaada: inkasto ay hamadu tahay wax bani aadmiga lagu abuuray laakin markaad qofka aad u jeceshahay caadifadaada ayaa ka awood badan doonta hamadaada.

12. Isma kontrooli kartid (out of control): dareenkaagu wuxu noqon doonta wax awoodaada ka baxsan.

Laakin nasiib daro jacaylku maaha mid waara. Waa marxalad aad u xiiso badan oo nolosha ku jeclaysiin doona ama ku nacsiin doona laakin marnaba waari maayo oo mar uun bu dareenkaasi tagi doona. daryeelmagazine.com ayaa ku leh dareenka waxa badali doona waxa loo yiqaano “attachment” oo ah ku xidhnaasho aad ku xidhnaanaysid qofkaad jeclayd oo aanad ka maarmi doonin.
#share___like___Saar__pageka
XIGASHO: faaido.com

Jacayl: haddii aad astaamahan ku aragto way ku jeceshahay.

Hadii aad astaamahaan ku aragto way ku Jeceshay

Ilaahay ayaa lamaane kasta oo muslim ah dhex dhigay jacayl iyo naxariis  hadaba sida laga dharagsanyahay, Jacaylku waa rabitaan ku beerma qofka, waxaana qof kasta oo wax jeceli lagu gartaa astaamo gaar ah oo inta badan soo ifbaxa xili dambe oo jacaylku biyo dhigo qalbigiisa.

Ragga ayaa uga nugul dumarka qarsashada jacaylka


Had iyo jeer dumarku waxay ku dadaalaan inaan si sahlan ragoodu u o’gaan sirahooda jaceyl oo iyaga oo qudha ay ku koobnaato

Haddaba astaamaha lagu garto haweenayda wax jeceli aad ayay u fara badan yihiin, laakiin
 Jaceyl Dhab Ah waxa  uu qormadaan ku tibaaxayaa dhawr qodob oo haweenayda odaygeeda jecel lagu garto.

Ugu horeyn waxaa lagu gartaa inay hiiyi kacdo marka lagu soo hadal qaado arrimo ku saabsan saygeeda, waxaana wajigeeda durba kasoo ifaya dareen farxadeed iyo muusoobid, waxaanay xilli kasta sii jeclaysanaysaa ka sheekeynta iyo falanqeynta arrimaha ku saabsan odaygeeda ay jeceshay,

waxaanay mar walba ku dadaashaa ilaa waqti in ka sheekeyntiisa la sii wado si ay ugu raaxaysato  hadal heynta Lamaanaheeda.

Haddii wax xumaan ah laga sheego markiiba way xanaaqaysaa . waayo waxaa intabadan reeraha isjecel kala kaxeeya xayn dumar ah oo udarban siday lamaanaha ukala fogayn lahaayeen iyaga oo uga bilaabaya horta imisuu biil ku siiyaa odaygaagu iyo gogashani waataad ku aqal gasheenee maad iska badashid ood odaygaaga tidhaahdid iga badal, maad tidhaahdid dhakhtar dibada ah ii dir, hebelba islaantiisa dahab badan ayuu u iibiyay ee muxuu adigana kuugu iibin waayay.

Hadaladaas iyo kuwo kale oo badan ayay rumaysanaysaa waa hadii aanay ku jeclaynee’ hadii kalana waxay  bilaabaysaa amaba isku dayaysaa inay ku difaacdo oo ay ceebahaaga asturto iyada oo ku qancinaysa in hadii odaygeedu lacag hayn lahaa aanu waxba ka hagradeen oo uu waxwalba ukeeni lahaa haddii hadal haynta qoyskooda intaa lagu joojin waayana meesha ayay isaga tagaysaa iyada oo aan jeclaysanayn qofka arintan ku kacay lasii hadalkiisa iyo ag-fadhigiisa.

Waxa kale oo astaamaha lagu garto  jaceylkeeda ka mid ah xiiso gaar ah oo ay mar walba u hayso iyo la sheekaysiga odaygeeda, laakiin layaabka jacaylka lagu arkay ayaa waxa uu yahay qofkii aad jeclayd ee aad ku haminaysay la kulankiisa ayaa qacda hore marka aad aragto aad ka naxaysaa muuqaalkiisa oo waxaad dareemaysaa Xanfaf kaa asiiba bu`da hoose ee caloosha.

Mararka qaar waxaad iloobaysaa qorshe badan oo aad rabtay in aad uga faalooto ama aad kala tashato oo waxaa dhacaysa in raashinkii guriga yaalay dhamaaday halkii aad dantaa ka hadli lahayd ayaad sheeko kale oo jacaylku kaasoo tufayo aad ka sheekaynaysaa kulankaasina dhamaanayaa adigoon qorshe muhim ah kala munaaqishoon.

Haweenayda wax jecel waxa ay mar walba tixgelin iyo karaameyn gaar ah siisaa odaygeeda,mana ogolaato in saxar qalad ah ama dhibaato yari soo gaadho, haddii ay iyadu dhibaataysantay teedu uma muuqato ee waxay ka fikirtaa ta saygeeda

Gabadha wax jeceli waxay had iyo jeer udhaga nuglaataa yeedhmada saygeeda iyada oo naxariis iyo waji furnaan u muujinaysa,waxaanay goor walba ka firkirtaa siday odaygeeda uqancinlahayd oo ay usoo jiidanlahayd.
#share___like__Saar__pageka__mention___jaceylkaga

Akhriste maxaa lagu gartaa ninka haweenaydiisa jecel? Waxaynu kaga warbixindoonaa qormooyinkeena danbe