Saturday, July 20, 2019

Maahmaahyo saddaxleey ah.

Seddex wax waa aan jeclahay.

Ammaanta,
Ducada iyo
Haddiyadda.

Seddex wax waa necbahay.

Xaqiraadda,
Eedda iyo
Xaasidnimada.

Seddex waa ii astaan

Jacaylka,
Kalsoonida iyo
Degganaanta.

Seddex waan ka cabsadaa

Biyaha,
Mugdiga iyo
Ragga.

Seddex waan ku il doogsadaa.

Ubaxa,
Ubadka iyo
Xeebta.

Seddex waan aamminsanahay

Runta,
Rafiiqa iyo
Reerka.

Seddex waan saluugaa

Sirta dumarka,
Siriqda ragga iyo
Soomaali dhaqankeed.

Seddex waan ka helaa

Suugaanta,
Saaxiibbada iyo
Sooryada.

Seddex waan u dhiman

Diinta,
Dadka iyo
Dalka.

Seddex waan u dulqaadan.

Daruufaha,
Doqonka iyo
Doonistayda.

Seddex waa sirta noloshayda.

Eex la'aan,
Afgaabni iyo
Ixtiraam.

Seddex waa aan saadaalsadaa.

Gogol nabdoon,
Guri barwaqo iyo
Geesi aan u dhaxo.

Seddex waa sadkayga.

Raaxada nolosha,
Raxmadda guurka iyo
Reexaaanta ubadka.

Seddex waan saxaa.

Qaladkaan galay,
Qiiradayda iyo
Qalbi dhaawacan.

Seddex baari baan u hay.

Waalidkayga,
Wadaadkayga iyo
Warasadayda.

Seddex wax kama helo.

In la iga dheereedo,
In la igu dheeraado iyo
In la igu dheelo.

Seddex kuma sifeeyo ruuxna.

Hummaagayga
Hadal la ii sheegay iyo
Hirarka nolosha.

Seddex baan ugu jeclahay ragga.

Ninka dheer,
Ninka dhuuban iyo
Ninka dhowrsan.

Seddex baan ugu necbahay ragga.

Ninka doodda badan,
Ninka dagaalka badan iyo
Ninka dareenka xun.

Seddex baan duni ka dooran.

Jacayl daahira,
Qalbi dabacsan iyo
Damiir kaamila.

Seddex baan maarayn karaa.

Maseerkayga,
Masruufkayga iyo
Meherkayga.

Seddex baan dumar kula saaxiibaa.

Sifaheeda diinta,
Sowraceeda gobanimo iyo
Sokaynteeda jacaylka.

Seddex baan uga dheeraadaa saaxiib dumar.

Sirtoon la qarin,
Sinji dhaanka ruux kale iyo
Seeg seegga nolosha.

Seddex ma sugo soo laabashadooda.

Abaal aan galay,
Amaah iga maqan iyo
Arin iga horreeyay.

Seddex kuma degdego

Kullanka ragga,
Dalxiiska kadiska ah iyo
Kun iyo kow sheekadood.

Seddex waa kaalintayda

Adeeg dhagar la'aan ah,
Adaab aqoontu raacday iyo
Astur amarka Eebbe ah.

Seddexna waa aan ogolaaday anoo og xanuunkooda.

Xaaska labaad,
Seddexaad iyo
Afarraad.

Igu xasuuso.

Dhoolla caddaynta waa aan ku dhaataa.

Lama-filaantii jacaylka laasimatay.

Waxaa la yiri " Ammaani afkaaga kaagama horreyso."

Waa aan idin jeclahay.

Farxiyo ayaa qortay!!!

No comments:

Post a Comment