Ninkii la oran jiray Ras Makonen Hoggaankii rabay inuu qabsado Magaalooyinka Koonfurta ilaa xeebta Muqdisho dhamaadkii Qarnigii 18-aad ilaa kii 19-aad.
Taariikhda inta daabacan ama laga heli karo keydka Taariikh-yahanadii hore ee Dunida soo martay & Buugaagtii lagu xusay waxa marki laga hadlayo Hoggaamiyayaal ku sifoobay wadaniyadd & badbaadin Qaran , adduunka - ayaa Somaaliya laga soo dhex soocaa Halgamaa Sheekh Xasan Barsane oo ahaa hoggaamiyihi u diiday iney isballaariyaan Taliskii Abisiiniya Boqortooyadii ( ITOOBIYA) .
World Heritage , waxa uu daabacay in 16,000 oo Askari uu kaga hortagay Xasan Barsane dagaalyahanadii Xabashida ee mar hamisay in Muqdisho ay kamid noqoto dhulkii Abasiiniya.
-Most Popular New Releases
ARMED STRUGGLE AGAINST ITALIANS AND ETHIOPIANS
Goobihii uu Xasan Barsane kula dagaalay Xabashida waxa kamid ah.
1. Buulo Barde 1922
2. Ceel Dheere 1922 and 1923
3.Hilweyne 1923
4.Jilyaale 1924
5.Hareeriile 1924
Kahor geerida iyo dhimashada Sheekh Hassan Barsane warqad looga codsaday in uu isku soo dhiibo Taliyaaniga aya carro dhalisay jawaabtii uu bixiyay waxaana kamid eheed nuqul loo turjumay Afka Ingiriisiga " Your government has its laws, and we have ours. We accept no law other than ours" tasoo kamacna aheed [Dowladiina waxay heysataa shuruuc ugaar ah , innana keenna ayan heysanaa , ma aqbaleyno mid aanan eheen keenna; shuruucda Qur'aanka].
Somaaliya waxay u go'aamisay inuu sii jirro Magaciisa , waxaa loogu magac daray Dugsiyo waxbarasho & meelo kale.
165 sanno kaddib maanta geeridii Sh Xasan Barsane waxa uu Maanka & Qalbiyadda Waddaniyiinta ugu fadhiyaa qiimo aan la gudi karin iyo Amaah aan la dhiibi karin lakin weli fikradii uu u geeriyooday oo ah Somaaliya oo xur ah ma jirto .
Dhaqanka Xabashida oo ah ineysan aqoon falsafada ah in dhul la qabsado dib loo celiyo ayaa haddii uusan Halgamaa Xasan Barsane kahortagi laheyn , maanta oo kale 95 sanno kaddib , Itoobiya waxay ku doodi laheyd Jowhar iney tahay dhulkii Awoowayasheed & maggaalo ay xukumi jirtay Boqortooyadii Abasiiniya.
Waxaan leenahay Mahadsanid .
Nin u istaagay in uu daafaco Somaaliya.
Nin diiday Gumeysi.
Ninkii ugu awooda badnaa qarnigii 18-aad Somaaliya.
Hoggaamiyihii ugu horeeyay ee diida amarki Taliyaaniga & ninkii ugu horeeyay oo xabsi lagu dilo isago ah Sayyid ; Hoggaamiye.
Sheekh Xasan Barsane , Wadaadkii ka badbaadiyay Somaaliya Boqotooyadii Abisiiniya.
#Nin Macno leh.
Hussein Anteeno
No comments:
Post a Comment