Saturday, July 20, 2019

Sheeko; sheeko xigmad leh

Sheeko Xikmad leh

Iskuul ayaa Macalimad ka mid ah Macalimiintii dhigaysay ay fasax qaadatay mudo hal sano ah sobob la xidhiidha dhalmada.
Waxaa booskeedii la keenay Macalimad kale , maalintii koobaad markay fasalkii u bilowday cashirka iyo sharaxaadiisa , waxay waydiisay arday ka mid ah ardayda su’aal , ardaydii kale ayaa qosol bilowday , waaxay la yaabtay macalimadii qosolkan bilaa macnaha ah!..
Waxayna ka dareentay indhaha ardayda kale inay ka aaminsanyihiin ardaygan Doqon aan wax garan. Markii laga baxay fasalka ayay u yeedhay macalimadii ardaygii waxayna u qortay Bayt/Meeris gabay ah, waxayna tidhi u soo xafid sida magacaaga qof kalena ha u sheegin !.
Subaxii danbe ayay ku qortay Sabuurada Baytkii gabayga ahaa, markay u sharaxday ayay masaxday ka dibna waydiisay Ardaydii ayaa xifdiyay oo korka ka akhrinaya .
Ardaygii lagu qosli jiray kaligii ayaa gacanta taagay , wuuna ku nuux-nuuxsaday kuna celiyay.
Macalimadii waxay amartay ardaydii in loo Sacabiyo, waxayna dhiiri galintaa sii waday ilaa ardaydii ay aamineen in ardaygii ay doqonka ka aaminsanaayeen yahay mid caqli badan , oo dadaal badan.
Ardaygii wuxuu bilaabay in uu naftiisa kalsooni badan ka dareemo, isbadal weyn ayaa ku dhacay wuxuuna ku hamiyay inuu tartan la galo ardayda kale ama uuba ka sareeyo, wuxuuna ka gaaray wax barashada heer jaamacada uu dhameeyo oo uu qaatay Phd.

Dulucda sheekadani waxa ay tahay in Dadku ay u qeybsan yihiin labo qeybood; dad ah furayaasha Khayrka , xidhayaasha Sharka , ku Dhiiri galiya markaad jilicsantahay ,gacanta ku qabta markaad caawimaad rabtid , Rajo iyo niyad wanaagna kugu beera.
Iyo Qeyb ah xidhayaasha Kheyrka , Furayaasha Sharka,  Jahawereerka bulshada ka shaqeeya, wax kastana dhaleeceeya oo burburiya .

Labada Qeybood midkaad noqonayso adiga ayay gacantaada ku jirtaa.

MAHADSANADIIN

No comments:

Post a Comment