Xilli Habeen ah ayay iigu timid Gurigeyga waxayna igu tiri: Alle ayaan kugu dhaariyee igu caawi inaad ila asturto ceebteyda!. kadibna anigoo yaaban ayaan ku iri: Walaal maxaa ku heysta?
Waxay tiri: Walaal Nin ayaa i kufsaday muddo ka hor, kadibna Uur ayaan qaaday, haddana waxaan ahay Xaamilo, qof kaste oo Uurkan wax iga waydiiyana waan ka xishoodaa inuu ogaado in la i kufsaday waxaana u sheegaa inaan ahay Xaaskaada, aana Uurkaan adiga kuu leeyahay, waxaana kaa filanayaa kheyr iyo Wanaag, ee fadlan ila astur ceebteeyda, adna waxaan Alle kuu weydiinayaaa inuu asturo ceebahaaga.
Si fiican ayaan uga dhegeystay hadalka, kadibna aniga oo aan u jawaabin ayay iga tagtay una laabatay Gurigeeda.
Muddo kadib way dhashay Gabadhii. Kadibna Imaamka iyo Jamaacada Masjidka qaarkood ayaa iigu yimid Gurigeyga iyaga oo iigu Hambalyeynaya dhalashada Cunuga!
Waxaan u muujiyay Farxad iyo Weji-furnaan, kadibna waxaan galay qolkeeyga, waxaana kasoo bixiyay Boqol Dirham, waxaana u dhiibay Imaamka Masjidka, waxaana ku iri: Walaal Gabadhaas waan qabi jiray, balse hadda waan kala tagnay, bilowga Bil kastena waxaan kuugu dhiibi doonaa Boqol Dirham oo Biil iyo Nafaqo u ah iyada iyo Cunuga yar oo ay ii heeyso, adigana waxaan kaa rajeynayaa inaad iga gaarsiiso.
Wuu iga aqbalay imaamkii. sidaas ayaana sameyn jiray Bil kaste aniga oo aanan arag Gabadha iyo Cunugeedaba.
Laba Sano ka dib waxaa dhintay Cunugii, waxaana ii yimid dad badan oo iiga Tacsiyeynaya dhimashiisa!
Maalmo kadib xilli Habeen ah ayuu qof soo gargaraacay iridka Gurigeyga, waan ka furay waaba Gabadhii ii timid Laba sano ka hor oo Gacanta ku waddo Boorso ay Lacagi ku jirto, kadibna iyadoo ooyneysa ayay ii dhiibtay Boorsadii waxayna igu tiri: Walaal halkaan waxaa ku jira Lacagihii aad Imaamka Masjidka iigu soo dhiibi jirtay, waad ii ceeb qarisay, adna Alle ha usturo ceebahaaga; balse kama qaadin oo waan ku celiyay waxaana u sheegay inaan Sadaqo u niyeysan jiray, kadibna waxay iga tagtay iyadoo faraxsan iina mahad-celinaysa.
Sanad gudihiis Gabadhii waxa guursaday nin Ganacsade ah. Maalo kadibna Ninkii ayaa iigu yeeray inaan Share kula noqdo Ganacsigiisa. Waan ku farxay waana ka aqbalay, wixii xiligaas ka dambeeyayna wuxuu Alle ii waasiciyay Nolosha, wuxuuna ii furay ilo dhaqaale oo horay iiga xirnaa.
Qisadaani waxay ku dhacday kana sheekeeyay Axmed Binu Mahdi oo Qarnigii Saddexaad ee Hijriyada ku noolaa Magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaq. Imaamu Ibnu-Kathiir ayaana ku wariyay Kutubkiisa Al-Bidaayah Wal-Nihaayah, Mujallada: 11-aad Bogga: 185.
------------------------------------------------
Hadduu Alle Asturayo Ceebahaaga, ma jiro sabab aad u raadiso ceebaha dadka kale.
Qofna haku fadeexeynin dembi uu galay, waayo iridka Toobadu waa furanyahay, waxaa dhici karta inuu Alle ka toobad aqbalo, adigana uu kugu haro Dambigii Fadeexadda.
No comments:
Post a Comment