Saturday, July 20, 2019

Qiso: ka hor intaanu dhiman waxuu yidhi "

KA HOR INTAANU DHIMAN; Waxuu yidhi...

Waligay dal shisheeye iska dhiibi maayo. Waxaan ku dhashay halkan Libya, waanan ku dhiman doonaa. Waxuu ahaa Dalkaygu lama dagaan Saxare ah lkn waxaan u badalay dhul fiican oo Keymo leh oo Geed kastaana ka bixi karo.

Ma jiro qof uga jacayl badan Muwaadinka dalkiisa hooyo, ka digtoonoow Americanka & Yurubianku , haday ku leeyihiin waan idin jecelahay, waa beene ha rumaysaninee iska jira, adiga kuma jecla lkn waxay jecelyihiin oo damacsanyihiin kheyraadka Dalkaaga ku duugan , sida Saliida iyo Shidaalka kala duwan ee ma jecla dadka.

Waxay kugu caawin karaan in aad I mucaaradaan ilana dagaalantaan oo hadana dhexdiina isasii dagaashaan oo is dishaan, sababtoo ah waxay duulaan ku yihiin adiga & Aayaha Mustaqbalkaaga dambe iyo horumarka dalkan Libya.

Dhambaalkaygan waxuu ku socdaa adiga iyo Shacabka reer Libya, haday kugu caawinayaan si aad aniga ii disho, fartaad dhexda ka qaniini doontaan, waad ka shalayn doontaan ,dhibaato aad u weyna waad ka dhaxli doontaan dilkayga.

Waxa kale oo aan dhambaal u dirayaa Americanka iyo reer Yurub, Adeer waxaan idin leehay, Aniga waad i dili doontaan lkn u diyaar garooba in aad gashaan dagaal Argagixiso oo aan dhamaad lahayn, taasi oo aad idinku abuurteen oo ku Agaasinteen Argagixisada  aqoon darodiina darteed. Fari Togdheer bay kula xushaaye , Argagixisada inigaa abuuray ugu dambayna ayagaa Lafihiina feenan doona.

No comments:

Post a Comment