Imam shafici iyo Gabadh JAARIYAD AH
<×××××××××××××××××××××××××××××××>
<×××××××××××××××××××××××××××××××>
Imaamu shaafici ILAAHAY ha unaxaristee, ayaa isagoo ardeydiisii waxbaraya waxaa u timid haweeney jaariyad ama shaqaalo u ahayd waxa
ayna tiri:
Shiikhoow, "habeenkiina ma iga zineysanaysaa," maalintiina ma ardeyda ayaad u
khudbeyneysaa?
imaamu shaafici ayaa si deggan u fiirshay
haweeneydii sidookale ardeydii ayaa naxeen
waxa ayna indhaha u taageen waxa uu ku
jawaabi doono imaamku.
Imaamu shaafici ayaase yiri: Jaariyadyahay
xisaabta aad iga dooneyso waa imisa?
Ardeydii ayaa naxdin iyo anfariir ka qaaday
jawaabta shiikha,
waxay inta badan xirteen kabahoodii si
meesha uga tagaan maadama shiikhoodii uu
isku cadeeyay arin faaxisho ah.
Imaamu shaafici ayaase ardeydii u yeeray waxa
uuna ku yiri: waxaad iga soo qaadiin sida timirta
oo kale, inta macaan iga cuna laftana iska tuura
(isagoo ula jeeday cilmiga iyo wanaaga iga
qaata, laakiin xumaanteyda iska tuura)
Ayadoo meeshi la joogo ayaa waxaa yimid nin
ordaayo waxa uuna jaariyadii u sheegay in
gurigeedu uu ololaayo, deb ka kacay awgiis
caruurteediina ay ku dhex gubanayaan.
dhamaan ardeydii iyo imaamu shaafici ayaa
haweeneydii la orday si ay ugu gurmadaan
caruurtana loo badbaadiyo, imaamu shaafici
ayaana ugu hormaray dadka isagoo caruurtii
haweeneyda kasoo saaray aqalkii gubanayey.
Haweeneydii oo yaaban ayaa tiri: Shiikoow iga
raali noqo, yahuuda ayaa igula talisay in aan
sdaas kuula hadlo si aan sharaftaada iyo
sumcadaada dhulka u geliyo dacwada aad
fidineysidna dadku uga cararaan.
ardeydii ayaa markey hadalkaas maqleen waxa
ay imaamu shaafici weydiiyeen sababta uu isku
difaaci waayey?
Waxaa uuna ugu jawaabay hadal xikmad badan
waxa uuna yri: Hadii aan is difaaci lahaa,
waxaad u qeybsami lahaydeen laba qeybood,
qeyb i rumeysan weysa oo iga tagta, iyo qeyb i
rumeysata balse marwalba iga shakisan, sidaas
darteed waxaan doorbdiay inaan dhibaatada
duudka saarto oo aan ILAAHAY arinkeyga u
daayo, adinkuna aad hal fikir noqotaan.😢
No comments:
Post a Comment