Saturday, July 20, 2019

Sheeko; duuliyihii ugu damiirka xumaa

Duuliyihii ugu damiirka xumaa!

Sanadkii 1986-dii mid ka mid ahaa duuliyeyaaahii shirkadda diyaaradaha Aeroflot ee midowgii Soofiyeeti oo lagu magacaabi jiray Alexander Kliuyev ayaa xujo la galay duuliye kale oo diyaarada la waday, Gennady Zhirnov, diyaarad hage Ivan Mokhonko, Injineerkii duulimaadka Kyuri Khamzatov iyo saddex shaqaalaha diyaarada ka tirsan, wuxuuna ku yiri waxaan awoodaa in aan dayuuradda dajiyo iyadoo dhammaan muraayadahu xiran yihiin oo aan waxba loo jeedin.

Diyaarada oo duulimaad  lambarkeedu ahaa 6502 waxay ka soo duushay magaalada Sverdlovsk (hadda loo yaqaan Yekaterinburg) waxayna ku socotay garoonka diyaaradaha magaalada Grozny, waxaa saarnaa 94 qof oo isugu jira rakaab iyo shaqaalaha diyaarada, duuliyihii wuxuu daah ku aadiyey muraayadihii, isagoo isku dayey in uu dajiyo diyaarada mana aanu u jeedin dhabbaha dayuuraduhu ku carraraan (runway-ga).

Duuliye Alexander Kliuyev, diyaaradda oo nooceedu ahaa Tu-134A oo ku socota 280km saacadii wuxuu ku dajiyey meel qaldan taa oo keentay inay shil gasho oo burbur xooggan soo gaaro, waxaa isla goobtii ku dhintay 63 qof oo 58 rakaab ahaayeen halka 5-ta kale ahaayeen shaqaalada dayuurada, waxa kale oo dhaawacii soo gaaray Isbitaalka ugu geeriyooday 7 qof oo kale. Duuliye Kluuyev wuu ka badbaaday shilka oo dhacay 20-kii October 1986-kii.

Markii uu shilku dhacay La-duuliye Gennady Zhirnov wuxuu ka booday daaqada diyaarada si uu isku dayo inuu caawiyo dadkii dhacddadaas wax ku noqday, hase yeeshee naxdintii uu ka qaaday dhibkaas waxaa ku soo booday wadne xannuun isagoo geeriyooday iyadoo Isbitaal loo sii wado.

Duuliye Alexander Kliuyev maxkamad ayaa la soo taagay iyadoo lagu soo oogay dacwad “Masuuliyad darro” waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah, hase yeeshee 6 sano markii uu xirnaa ayaa la siidaayey.

Xigasho: Aviation Safty

No comments:

Post a Comment