Saturday, July 20, 2019

Sheeko: sheekoyin qosol badan.

Sheekadii ugu qosol ka badnayd Iyo Laba Xariif 😂 akhri sheekada oo car haqoslin🤣🤣🤣😂😂

Maanta salaadii duhur kadib waxaa dhacday inaan lacag ku Xawilay lambar khaldan in badan markii aan wacay oo la iga qaban waayey waxaan go'aansaday inaan dhako keeno, dabeedna waxaan u qoray fariintan!!!

Walaalkayga/walaashayda qaaligaa/qaalidaa:
Waxaa farxad noo ah inaad naga ogolaatay ka qayb noqoshada xarakada ama maamulka islaamigaa ee Al-daacish, ee ka hawl gala dhulka Shaam, Ciraaq iyo Soomaaliya waxaadna noqotay xubintii 89-aad ee nagu soo biirta wiigan Fadliga  Illaahay.

Hadii alle idmo beri waa maalintii ugu horaysay ee tobabarka, waxbana haka wel-welin anagaa kuugu imanayna halkaad joogta, waayo waanu garanaynaa goobtaad ku sugantahay, meelahaad ku badantahay iyo weliba wax kastoo ku saabsan noloshaada, sidoo kale hadii Aadan diyaar u ahayn kamid ahaanshaha Mujaahidiinta waxba ha is kalifin ee kaliya lacagta uun dib iskaga soo celi, waayo waxay gaar u tahay jihaadka Alle .

Walaalkaaga Muslimkaa Abuu Xaarith Al-afghani.
5daqiiqo kadib lambarkii maantoo dhan kadeedka ahaa ee lacagtu igaga maqnayd baan waraaq ka helay wuxuuna igu dhahay
"iga raali noqo walaalkayga mujaahidkaahoow waan hurday, hadeer ayaanna arkay fariintaada, lacag aad khalad iigu soo dirteena waan kuu soo celiyay weliba iyadoo intii kabdan waxaanna kaa codsanayaa inaad liiska xarakada iga saartid waayo lug iyo gacan baa i qalalan oo Ninkaa Laangadhaha ayaan ahay  saxaradadana waa la iga qaadaa 19=sanana ma hadlin, lacag dheeriya oo aan Mujaahidiinta ugu talo galayna waan soo raacshay lacagta. "

#Xigasho: Xamdi Shangax iyo Cabdi Yaasiin
Sii Share Garee

No comments:

Post a Comment